Ciidamada Daraawiishta Dowladda Puntland muddo tababar uga socday Dugsiga Gen. CARAYS ee Godod ee magaalada Gaalkacyo…
Ciidamada Daraawiishta Dowladda Puntland muddo tababar uga socday Dugsiga Gen. CARAYS ee Godod ee magaalada Gaalkacyo ayaa maanta loo soo xiray.
Xaflada soo afmeerida Tababarka waxaa ka soo qayb galay Guddoomiyaha Guddiga ahna Wasiirka Maaliyadda oo ay waheliyaan Wasiirka Amniga, Guddoomiyaha Gobolka Mudug, Taliyaha Ciidamada daraawiishta, Duqa degmada Gaalkacyo, Taliyaha qaybta Gobolka, Masuuliyiinkale iyo Bulshada deeganka Godod.
Ciidamada ayaa soo bandhigay Casharadii dhanka Ciidamada ee ay qaateen waxana salaan ka qaatay Taliyaha Ciidamada daraawiishta Gen Yaasiin Cumar dheere.
Ciidamada daraawiishta ee Tababarka loo soo xiray ayaa loo bixiyay Guutada (BIR-JEEX) sida uu munaasabadaasi uu ka sheegay Taliyaha Ciidamada daraawiishtu.
Horseed Media
rag baa u soo baxay puntland
W maaliyada amniga iyo taliska ciidan waa mahad sanyihiin