Gaalkacyo: Puntland Oo Soo Bandhigtay Gaadiidka Dagaal Ee Yaalla Xerada Siinaay

Published: April 7, 2021

Guddiga dib u habaynta ciidamada dowladda Puntland ayaa maanta booqday taliska ciidamada daraawiishta xerada Siinaay ee magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Wasiirka maaliyadda Puntland ahna guddoomiyaha guddiga Xasan Shire Cabdi, wasiirka wasaradda amniga Puntland, Cabdisamad Maxamed Galan iyo taliyaha ciidamada daraawiishta Puntland, Gen. Yaasiin Cumar Dheere ayaa la kulmay saraakiisha iyo ciidamada daraawiishta.

Saraakiisha ciidamada ayaa guddiga xog- dheeraad ah ka siiyay ciidamada daraawiishta, baahiyaha ay qabaan iyo sida ay diyaar ugu yihiin in ay difaacaan dalkooda.

Xerada Siinaay ayaa ah mid ay ilgaar ah ku hayso dowladda Puntland, waana keydka madaafiicda hubka waaweyn ee dowladda Puntland.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *