Gabar lagu dilay bartamaha magaalada Hargeysa

Published: May 3, 2022

Allaha u naxariistee waxaa xalay bartamaha magaalada Hargeysa lagu toogtay Najmo Cabdullahi, xilli ay ku socdaaleysay bartamaha magaaladaas oo xarun u ah Somaliland.

May be an image of 1 person and car

Najmo oo wadatay gaari nooca raaxada ah, ayaa iyadoo mareysa agagaarka maxkamadaha waxaa rasaas ku furay askari ka tirsan ciidamada Somaliland, kaas oo isku dayey inuu baxsado, balse waxaa gacanta ku dhigay ciidamo ka agdhowaa halkaasi.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in Meydka Najmo la geeyey isbitaalka guud ee magaalada Hargeysa, waxaana lagu wadaa in saacadaha soo socda lagu aaso magaaladaasi.

Marxuumadda ayaa aheyd gabar dhalinyaro ah, kana tirsanayd shaqaalaha wasaaradda beeraha ee xukuumadda Somaliland.

Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha ammaanka iyo mas’uuliyiinta maamulka oo ku aadan dhacdadaasi.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *