Galmudug & dowlad degaanka Soomaalida oo gaaray heshiin ka dhan Al Shabaab

Published: July 31, 2022

Dowlad Goboleedka Galmudug iyo Dowlad Deegaanka Soomaalida oo kulan yeeshay ayaa ka wada hadlay sii xoojinta iskaashiga dhanka nabadgelyada.

Labada Maamul ayaa gaaray heshiis ay isaga kaashanayaan dagaal dhan ah Al-Shabaab, sida uu sheegey Af-hayeenka DDS, Beddel Xiis.

Kulankan ayaa imaanaya xilli uu is-badal xooggan ku yimid ammaanka degaannada ku teedsan xudduudda Soomaaliya iyo Itoobiya.

Sidoo kale Kulankaan ayaa ku soo adaya, ayada oo Al-Shabaab ay dhawaan weerar ku qaadeen dhulka dowlad deegaanka Soomaalida, halkaas oo ay ku dagaalamameen Liyuu Boolis.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *