
Guddiga Doorashada Galmudug ayaa hal maalin oo dheeri ah ku daray xiliga loo asteeyay in lagu soo gaba gabeeyo is diiwaangelinta 5-ta kursi ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Guddiga ayaa shaaciyay in isdiiwaangelinta ay ku egtahay 23-ka November 2021 oo maanta ku beegan.
Ilaa iyo iminka kuraasta Golaha shacabka ee doorashadooda la qaban doono ee 5-ta kursi waxaa iska diiwaangeliyey musharixiin gaaraya 14 musharax kuwaasoo tartan u geli doona kamid noqoshada Golaha shacabka 11-aad.
Horseed Media