Galmudug oo ka hadashay Khasaaraha dagaalkii deegaanka Baxdo

Published: June 17, 2022

Dagaal xooggan oo khasaaraha kal duwan uu ka dhashay ayaa Saaka aroornimadii hore ka dhacay deegaanka Baxdo ee gobolka Galgaduud, kaasoo dhexmaray ciidamada Galmudug oo kaashanaya dadka deegaanka iyo kuwa Al-shabaab oo weerar ku qaaday deegaankaasi.

Dagaalka oo gudaha deegaanka Baxdo ka bilawday Salaadii subax kadib ayaa socday mudo 2 saacadood ka badan, kaasoo geystay khasaare kala duwan oo kala gaaray labada dhinac.

Wasiirka Warfaafinta maamulka Galmudug Axmed Shire Falagle oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in dagaalka saakay ka dhacay deegaanka Baxdo lagu dilay 45 kamid ah dagaalameyaasha Al-shabaab, isla markaana ay ku qabteen rag kale oo ku jiraan shan ajaanib ah.

Wasiir Falagle ayaa sidoo kale sheegay in ciidamo gurmad ah ay geeyeen deegaanka Baxdo, isla markaana ay ku raad joogaan raggii weerarka soo qaaday ee baxsaday deegaanka.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *