Garsoorayaasha Tunisia ayaa diiday kala diristii golaha garsoorka ee ‘sharci-darrada’ ahaa ee madaxweynaha

Published: February 7, 2022

Garsoorayaasha Tuniisiya ayaa Axaddii diiday tallaabadii uu madaxweyne Kais Saciid ku kala diray golihii iyaga ilaalin jiray, tallaabadaas oo ay u arkaan mid lagu wiiqayo madax-bannaanidooda, taas oo abuuraysa halgan cusub oo ku aaddan qorshaha Madaxweynaha uu awooda ku maroorsanayo.

Saciid wuxuu ku dhawaaqay habeen hore inuu kala dirayo Golaha Sare ee Garsoorka, oo ka mid ah dhowr hay’adood oo dowladeed oo weli awood u leh inay u dhaqmaan si ka madax banaan isaga, mucaaradkiisa ayaa ku tilmaamay afgambi.

Bishii Luulyo ayuu si lama filaan ah shaqada uga joojiyay Baarlamaanka, Ra’iisul wasaarahana xilka ka qaaday, wuxuuna sheegay inuu dikareeto ku xukumi karo, wuxuuna tan iyo xilligaas sheegay inuu dib u qori doono dastuurka dimuqraadiga ah ee 2014 kahor inta aan la qaadin afti dadweyne.

Saciid waxa uu wacad ku maray in uu ilaalin doono xuquuqda iyo xoriyaadka lagu helay kacaankii 2011 ee keenay dimoqraadiyada, balse dadka dhaliila waxa ay sheegayaan in uu aad ugu tiirsan yahay ciidamada amaanka lagana cabsi qabo inuu weerar ku qaado mucaaradka.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *