Gaza: Israa’iil oo weerar ay kusoo furatay 4 la’heystayaal ah ku dishay in ka badan 210 qof

Published: June 8, 2024

Ciidamada Israa’iil ayaa soo badbaadiyay afar la haystayaal oo ay haysteen Xamaas tan iyo bishii Oktoobar weerar ay ka fuliyeen bartamaha marinka Gaza maanta oo Sabti ah, halka ugu yaraan 210 falastiiniyiin ah oo u badan caruur iyo haween lagu dilay duqeymo xagga cirka ah oo ka dhacay isla aaggaas.

Ilaa hadda ma cadda in soo furashada la haystayaasha iyo weerarka cirka ee Israa’iil ay qayb ka ahaayeen isla hawlgalkaas balse labaduba waxay ka dhaceen xaafada Al-Nuseirat, oo ah meel inta badana ay ka dhaceen dagaalada siddeedii bilood ee lasoo dhaafay.

Afhayeen u hadlay militariga Israa’iil ayaa sheegay in howlgalka soo furashada la haystayaasha uu ka dhacay bartamaha xaafad la deggan yahay, halkaas oo uu sheegay in Xamaas ay ku dhex qarinaysay maxaabiista dadka rayidka ah ee Gaza.

Dagaalyahanada Falastiiniyiinta ayaa ku dhawaad ​​250 la haystayaal ah soo qafaashay weerarkoodii 7dii Oktoober ee sanadkii hore. Waxaa weli Gaza lagu heystaa 116 hadda, sida laga soo xigtay Israel, oo ay ku jiraan ugu yaraan meydadka 40 kuwaas oo uu maamulka Israel sheegay inay dhinteen.

Horseed Media