Gaza: Tiradda shacabkii lagu xasuuqay xaafada al-Nuseirat oo gaartay 274

Published: June 9, 2024

Ciidamada Israa’iil ayaa mar kale duqeeyay bartamaha Qaza Axadii, maalin kadib markii ay dileen 274 falastiiniyiin ah intii lagu guda jiray howlgal lagu soo furtay dad la haystayaal ah.

Tirada dhimashada weerarkii Sabtidii, ayaa ahayd tii ugu xumayd ee dagaalka Gaza muddo bilo ah, ciidamada Israa’iil ayaa weerarkoodii shalay ku dilay shacab u badan haween iyo carruur.

Xogta soo baxday maanta oo Axad ah, ayey wasaaradda caafimaadka ee Gaza ku sheegtay in 274 falastiiniyiin ah la dilay – halka 698 qof oo kale ay dhaawacmeen kadib markii ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Israel ay gudaha u galeen xerada Al-Nuseirat oo ay dad badan ku nool yihiin si ay u badbaadiyaan afar la hayste oo ay bishii Oktoobar gacanta kusoo dhigeen Xamaas.

Dhinaca kale taangiyo ayaa gudaha u galay deegaano hor leh oo ka tirsan koonfurta Gaza ee Rafah iyaga oo isku dayaya in ay xiraan qayb ka mid ah magaalada, sida ay sheegeen dadka deegaanka iyo warbaahinta Xamaas.

Horseed Media