Gen. Cabdicasiis Siciid Gacamey (Baduugaaye) oo Garoowe ku geeriyoodey

Published: August 14, 2022
Shares366
Cabdicasiis Siciid Gacamey

Rabbi ha u naxariistee waxaa magaalada Garoowe habeenimadii Axadda ku geeriyoodey Gen. Cabdicasiis Siciid Gacamey oo loo garan ogyahay Gen. Baduugaaye. Waxaa geerida marxuumka warbaahinta u xaqiijiyey ehelekiisa.

Muddo yar ayuu ku xanuunsanaa magaalada Garoowe sida ay Horseed u sheegeen qaar kamid h ehelkiisu.

Cabdicasiis Siciid Gacamey ayaa kamid ahaa askartii Puntland wax ka soo dhistey, waxaana uu soo qabtey shaqooyin kala duwan, isaga oo soo noqdey taliyihii hore ee ciidanka Booliska Puntland, wasiir ku xigeen iyo laba jeer oo xildhibaan uu ka noqdey Puntland mudadii u dhaxaysey 2014-2020.

Markii ugu danbeysey waxa uu kamid ahaa 8 xildhibaan oo ka horyimid aragtida xukuumadda ee heshiiskii DP WORLD, kuwaas oo laga saarey baarlamaanka.

Bahda Horseed Media waxay tacsi u dirayaan qoyskii iyo qaraabadii uu ka baxay .

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *