Genava: Deeq-bixiyaasha uu ku yaboohay $1.4 Bilyan, Abaarta Geesta Afrika darteed

Published: April 27, 2022

Shir ka dhacay magaalada Geneva ayaa Deq-bixiyeyaashu ku yabooheen US$1.39 bilyan oo wax looga qabanayo arrimaha bini’aadantinimada iyo samatabixinta abaarta Geeska Afrika taasoo keentay in in ka badan 15 milyan oo qof ay soo food saartay cunto yari ba’an gaar ahaan dalalka Itoobiya, Kenya iyo Soomaaliya. Tani waa abaartii ugu xumayd ee gobolka ka dhacda muddo 40 sano ah.

Xaaladda abaarta ayaa si gaar ah uga jirta lix goobood oo Soomaaliya ka tirsan, kuwaasoo laga yaabo inay macluul ka dilaacdo haddii roobabku di’aan xilligan, oo qiimaha cunnada uu sare u kaco ama aan kor loo qaadin gargaarka bini’aadantinimo oo la gaarsiin dadka ugu nugul.

Ballanqaadyada ayaa lagu sameeyay shir heerkiisu sareeyo oo lagu qabtey magaalada Geneva, kaas oo ay si wada jir ah u soo qaban qaabiyeen Xafiiska Qaramada Midoobay ee Xiriirinta Arrimaha Bani’aadamnimada (OCHA) iyo Midowga Yurub ee Ilaalinta Rayidka iyo Hawlgallada Gargaarka Bani’aadamnimada (ECHO), iyadoo ay ka qaybgaleen madaxda sare. Wakiilo ka kala socda Dowladaha Soomaaliya, Kenya iyo Itoobiya.

Lacagtan maanta lagu yaboohay ayaa hay’adaha samafalku waxa ay ku bixin doonaan gargaar cunto, nafaqeyn, lacag caddaan ah iyo mid caafimaad, sidoo kale waxay heli doonaan calafka xoolaha iyo dawooyin lagu badbaadinayo xoolaha nool.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *