Germany: Hawlgalo lagu baaray masaajidada magaalada Berlin – VIDEO

Published: March 1, 2017

Ciidamada Amaanka ee dalka Germany oo hawlgalo sameeyey Salaasadii shalay ayaa gudaha u galay qaar kamid ah masaajidada ku yaal magaalada caasimada ah ee Berlin.

Hawlgalada ayaa la sheegay in lagu ugaarsanayey xubno xagjir ah oo la sheegay inay xiriir lalahaayeen ninkii bishii December weerarka ka geystay magaaladaasi.

Weerarkii Berlin ka dhacay bishii December ee sanadkii hore ayuu geystay nin kasoo jeeda dalka Tunisia, kaasi oo maalmo kadib lagu dilay dalka Talyaaniga isagoo baxsad ah. Waxaana weli socda baaritaanka sirdoonka Germany ku baadi goobayo shaqsiyaadkii uu xiriirka lalahaa ninkaasi.

Dowlada Germany ayaa sanadkii hore soo rogtay amar ah in la xiro dhamaan goob walba oo lagu tuhmo inay gacan siiyaan shaqsiyaadka xagjirka ah, waxaana horey loo xiray qaar kamid ah hay’ado si gaar ah loo leeyahay oo lala xariiriyey inay ka qeyb qaateen u ololeynta dagaalada ka socda wadanka Siiriya iyo dhalinyarada halkaasi loo diray.


Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *