Go’aamo Kasoo Baxay Guddiga Xalinta qiima-dhaca iyo xasilinta suuqyada Puntland – VIDEO

Published: January 16, 2021

Guddiga Xalinta qiima-dhaca iyo xasilinta suuqyada Puntland oo uu Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni,u saaray Arrimaha Sicirka Sarifka oo galabta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garoowe ayaa soo saaray go’aamadan kala ah:-

– Cashuurta Dekadda oo lagu qabto 20% Shillin Soomaali.

– Shaqaalaha oo mushaharka lagu siiyo 20% Shillin Soomaali.

– Adeegyada Lacagta mobile-ka (Sahal iyo E-Dahab) oo sidoodii lagu celiyo.

– Sariflayaasha waa inay ruqsad haystaan.

– Cashuuraha Dowladdaha hoose oo Shillin Soomaali lagu qaadayo.

– Sarifka oo uu jaangoynayo lana soconayo Bangiga Dowladda.

– Kalsoonida isticmaalka Shillin Soomaaliga oo ay kawada shaqeynayaan Dowladda iyo Ganacsatada.

– Lacagaha ku badan Suuqa ee Shillin Soomaaliga ah oo lagu xereeyo Bangiga Dowladda, iyo in la mamnuucay lacag Loo kala raro Gobolada.

Hoos ka daawo:

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *