Gobalka Haylaan ee Puntland oo Guddoomiye cusub loo magacaabay

Published: April 20, 2022

Wareegto xalay kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha Puntland ayaa lagu sheegay in Guddoomiye cusub loo magacaabay gobalka Haylaan.

Wareegtada ayaa u qorneyd sidatan:

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 26 ee 19-ka April 2022, kuna saabsan magacaabid Guddoomiyaha Gobolka Haylaan.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80aad.

Markuu arkay: Aqoontiisa, kartidiisa iyo waayo-aragnimadiisa shaqo.

Markuu la tashtay : Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland.

Wuxuu xeeriyey:

1. Waxaa Maxamed Faarax Aadan loo magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Haylaan.

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *