Godoomiyaha gobolka Banaadir oo booqday Xarunta Dowladda Hoose ee Xamar-Sawiro

Published: January 29, 2018

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Injineer Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow oo ay weheliyaan ku xigeenadiisa ayaa kormeer ku tagay Xarunta Dowladda Hoose ee magaalada Muqdisho tan iyo markii xilkaasi loo magacaabay.

Injineer Yariisow iyo madaxdii la socotay ayaa waxaa Xarunta ku soo dhoweeyay Guddoomiyihii hore ee Gobolka Mudane Taabit Cabdi .

Xaflad uu xilka kula wareegayo Guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir Innjineer Yariisow ayaa lagu wadaa in lagu qabto xarunta Dowladda hoose ee Xamar, iyadoo munaasabadaasi ay ka soo qeyb geli doonaan Madax ka tirsan Dowladdas Soomaaliya

Duqa magaalada Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Injineer Yarisow ayaa xilal kale duwan ka soo qabtay xukumadihii ugu dambeeyey ee dalka.

Horseed Media 2018

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *