Golaha Amaanka oo taageeray xabbad joojinta Siiriya

Published: January 1, 2017

Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobey ayaa taageeray heshiiska xabbad-joojinta ee ka hirgalay dalka Siiriya, kaas oo ay ka soo shaqeeyeen Ruushka iyo Turkiga. Adduunka ayaa rajeynaya in heshiisku bilow u yahay nabad laga gaaro dagaalada lixda sano ka socdey Siiriya.

Waxay ahayd bilow Ruushka iyo Turkigu ay la yimaadeen heshiiska xabbad joojinta kaas oo si rasmi ah u dhaqan galay todobaadkan.

Labada dal ee Ruushka iyo Turkiga ayaa Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobey ka dalbadey in ay taageeraan heshiiska kuna soo saaraan qaraar rasmi, kaas oo hirgalay maalintii shalay ee Sabtida.

Heshiiska xabbad joojinta waxaa ku xiga wada hadal ka dhacaya dalka Kasakhistan bishan Janaayo 2017, kaas oo u dhexeeya xukuumadda Siiriya iyo kooxaha Mucaaradka.

Dagaalka Siiriya ayaa galaaftey nolosha dad ka badan 310 000 oo qof, waxaana dhulkoodi isaga barakacay Malaayin qof oo adduunka qaxooti ku ah, halka magaalooyin waaweyn ay noqdeen bahalo galeen.

Sida laga soo xiganayo Ruushka, xukuumadda Siiriya iyo todoba kamid ah mucaaaradka hubeysan ayaa saxiixey heshiiska xabbad joojinta. Mucaaradka heshiiska galay ayaa la sheegayaa in ay hoos yimaadaan 60 000 oo dagaalyahano ah, kuwaas oo maamula qaybo badan oo kamid ah Siiriya.

Labada urur ee Daacish iyo Faatax Al-Shaam 8Al-nusra) ayaan heshiiska ku jirin.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *