Golaha Ammaanka ee QM oo baaqay ka soo saaray weerarkii ka dhacay Muqdisho

Published: November 2, 2022

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa si kulul u cambaareeyey qaraxyadii ay kooxda Al-Shabaab ka geysatay magaalada Muqdisho, 29-kii Oktoobar 2022.

Xubnaha Golaha Ammaanka ayaa sheegay sheegay in ay aad uga xun yihiin qaraxyadaas, islamarkaana ay tacsi u direen ehelada dadkii ku dhintay, shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyagoo u rajeeyay caafimaad deg deg ah kuwii ku dhaawacmay.

Golaha ayaa soo dhoweeyey dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya oo taageero ka helaya Hawlgalka Kalaguurka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) ay kaga hortagayaan khatarta Al-Shabaab.

Sidoo kale waxay ku booriyeen madaxda Soomaaliya in ay iska kaashadaan la dagaalanka Argagixisada.

Xubnaha Golaha Ammaanka ayaa hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay in la ilaaliyo guulaha amni ee laga gaaray Soomaaliya, waxayna ku dhiirigeliyeen Dowladaha xubnaha ka ah inay kordhiyaan taageerada ay siiyaan ATMIS, si ay ugu suurtagasho inay sii waddo inay si hufan u gudato waajibaadkeeda, iyo sidoo kale Ciidamada Amniga Soomaaliya, si loo taageero hirgelinta Qorshaha Kala-guurka Soomaaliya.

Horseed Media