Golaha shacabka oo been-abuur ku sheegay go’aan ku saabsan Fahad Yaasiin

Published: December 16, 2022
Fahad Yaasiin
Fahad Dahir Axmed agaasimihii hore ee NISA

Habeenimadii xalay waxaa baraha bulshada lagu faafiyey qoraal dheer oo la sheegay in uu ka soo baxay guddoomiyaha golaha shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaaliga ah Sheekh Adam Maxamed Nuur (Madoobe).

Qoraalkan oo ku taariikheysnaa maanta 16 Diseember ayaa lagu sheegay in kursiga HOP#086 ee uu horey ugu guuleystey Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, agaasimihii hore ee hay’adda sirdoonka, kadibna guddigii doorashada iyo raysalwasaarihii hore ay waxba kama jiraan ka soo qaadeen, hadda loo fasaxay, lagana codsadey hay’adaha ay khuseyso in loo dedejiyo xildhibaanka hawlihiisa ay ugu horeyso dhaarintu.

Qoraal la soo dhigey barta Facebook ay ku leedahay Golaha Shacabka ayaa lagu sheegay in uu been-abuur yahay waxbana aysan ka jirin. Waxaa jir warar sheegaya in qoraalku dhab ahaa laakiin wakhtigiisi ka soo hormarey.

Fahad Yaasiin ayaa u dhexeeya dalalka Turkiga iyo Qatar halkas oo ku haysto deganaansho iyo ilaalo heerkeedu sareeyo.

Kursiga HOP#086 ayaa weli banaan, mana jirto cid beesha iska lahayd ku metesha.

Horseed media