Golaha Wasiirada Federaalka oo ansixiyey heshiisyo lala galay Kenya iyo UAE.

Published: May 23, 2024

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka ayaa maanta oo Khamiis ah yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, Shirka ayaa lagu ansixiyey, hindise sharciyeed, siyaasad, xeer iyo heshiisyo iskaashi oo kala ah;

  1. Hindise Sharciyeedka Tacliinta Sare ee Qaranka,
  2. Siyaasadda Dowladda ee Barayaasha Soomaaliyeed.
  3. Xeer-nidaamiyaha qiimeynta saameynta deegaanka
  4. Heshiiska Iskaashiga Difaaca ee u dhexeeya Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya
  5. Heshiiska Is-dhaafsiga dhiirigelinta iyo dhowrista Maalgashiga ee Soomaaliya iyo Isutagga Imaaraadka Carabta (UAE).

Shirka oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa looga dhageystay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta warbixin ku saabsan khatarta duufaannada la saadaalinayo in ay ka dhici karaan qeybo kamid ah gobollada dalka, sidii loogu diyaar garoobi lahaa, dadka looga wacyigelin lahaa.

Sidoo kale, Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga, ayaa golaha warbixin ka siiyey amniga guud ee dalka iyo guulihii howlgallada ka dhanka ah argagixisada.

HORSEED MEDIA