Goobta ay ka dhacayso Doorashada Madaxweynaha oo laga beddalay halkii hore

Published: February 5, 2017

Maalmihii u danbeeyey waxaa soo baxaayey warar sheegaya in doorashada Madaxweynaha laga bedalay in lagu qabto Iskoolka Booliska ee degmada Cabdicasiis oo markii hore loo qorsheeyey ayaa si rasmi ah loo sheegay in aan halkaas lagu qabaneyn.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashada Madaxweynaha Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa VOA u sheegay in markii horeba aanu jirin go’aan rasmi ah oo lagu gaarey Iskoolka Booliska ee ay jirtey qorshe u qaybsanaa A iyo B, waxaana qiimeyn badan kadib la doortey qorshaha B ayuu yiri.

Dr. Cabdiraxmaan Beyle Ducaale, ayaa sheegey in doorashada ay ka dhici doonto xarrunta Afisyooni ee Muqdisho, halkaas oo ahayd qorshaha labaad ee B. Beyle, ayaa sheegey ay 18 ka mid ah musharrixiinta madaxtinnimada aya dalbadeen in goobta laga baddalo doorashada halka lagu qabanaayo.

Guddoomiyaha Guddiga doorashada ayaa sheegay in qiimeynta ay ahayd sidii ay u dhici lahayd doorasho xalaal ah, sidoo kale waxa uu sheegay in qaar badan oo kamid ah Musharixiintu ay wel-wel ka muujiyeen xerada Iskoolka Booliska ee hadda loo yaqaan jeneral Kaahiye.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *