Rooble oo Beesha caalamka kala shirey dhaarinta Xildhibaanada

Published: April 10, 2022

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa la kulmay qaar kamid ah wakiillada Beesha Caalamka oo ay ka wada hadleen arrimaha doorashooyinka dalka oo heer gebogebo ah maraya iyo u diyaar garowga dhaarinta xildhibaannada labada aqal ee la qorsheeyay 14-ka bishan.

Kulanka ayaa ka dhacay halka loo asteeyey in lagu qabto dhaarinta Xildhibaanada maalinta khamiista ah.

Kulankan waxaa gadaal kaga soo biiray Guddoomiyaha FEIT Muuse Geele Faroole iyo labada xoghaye ee Baarlamaanka labadiisa Aqal.

Beesha caalamka ayaa ku daashey doorashada Soomaaliya, waxaana ay doonayaan in Xildhibaanad lagu dhaariyo xiligii loo qabtey si dalku uga baxo dhibaatada siyaasadeed ee uu ku jiro.

Weli waxaan xal laga gaarin afarta kursi ee FEIT ay xanibtey, waxaana Baydhabo ku sugan Xildhibaanadii Koonfur Galbeed oo diidan in iyaga gaar loo beegsado marka la eego doorashadii dalka ka dhacdey.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *