Goodax Oo Shuruud Kale Hordhigay Ardayda Puntland!

Published: September 4, 2020

Sii-hayaha wasiirka waxbarashada dowlada federaalka Soomaaliya Cabdillaahi Goodax Barre ayaa shuruud kale hordhigay shahaadada dugsiga sare ee ardayda wax ka barata deegaanada Puntland, taasoo ah in ardayda loo dhigo manhajka dowlada federaalku qortay.

Goodax oo u waramayay taleefishinka qaranka ayaa sheegay in ardayda deegaanada Puntland looga baahan yahay in ay galaan Imtixaanka ay qaado wasaaradda Waxbaarshada xukuumadda federaalka Soomaaliya, haddii taasi dhici weydana aysan heli doonin wax shahaado ah.

Wuxuu sheegay in la siyaasadeeyey mustaqbalka ardayda Puntland, taasina ay dhaawac u keeni karto rajada ardayda, isagoo sheegay in lala taliyo madaxda Puntland si ay qayb uga noqdaan manhajka iyo imtixaanaadka dowlada federaalka Soomaaliya.

Dowlada Puntland ayaa waxay leedahay manhaj u gaar ah oo la baro ardayda dugsiyada Puntland.

Hadalka siihayaha wasiirka waxbarashada Soomaaliya ee manhajka ayaa kusoo beegmaya iyadoo uu dhowr jeer oo hore uu sheegay in aan shahaado la siin doonin ardayda Puntland, maadaama aysan galin imtixaanaadka dowlada federaalka.

Hoos ka daawo:

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

2 Comments