Gool dhaliyaha Spain ee koobka adduunka ku guulaystay ayaa ka war heshay geerida aabaheed kadib ciyaartii finalka

Published: August 21, 2023
Shares46

Olga Carmona ayaa heshay warka geerida aabaheed ka dib seerigii ugu dambeeyay ee ciyaartii finalka kubadda cagta ee gabdhaha iyada oo markaas u dabaaldegeysa goolkii guusha in ay keentey dalkeeduna ku guuleystey markii u horeysey koobka adduunka ee gabdhaha.

Gool-dhaliyihii Spain ee ku guuleystay Koobka Adduunka, Olga Carmona, ayaa loo sheegay aabaheed inuu dhintay ka dib ciyaartii finalka ee Axadii ay la ciyaareen England.

Goolka ay dhalisey gabadha daafaca bidix uga ciyaarta Spain qeybtii hore ee ciyaarta ayaa kooxda ku hogaamiyay guul 1-0 ah oo ay ka gaareen Libaaxyada Ingriiska. Laakin qoraal Xiriirka Kubadda Cagta ee Spian ay soo dhigeen barta X, oo hore loo oran jiray Twitter-ka, ayaa lagu iclaamiyey geerida aabaheed.

“Gabadha Ciyaaryahanka ah ee goolka guusha dhalisey waxaan la qaybsanayna warka murugada leh kaddib finalkii Koobka Adduunka. Waxaan u diraynaa tacsi tiiraanyo leh Olga iyo qoyskeeda” ayaa lagu yiri qoraalka. “Waan ku jecelnahay, Olga, waxaad tahay taariikhda kubada cagta Spain.”

Spain ayaa noqotay wadankii labaad, kadib Germany, ee ku guulaysta tartamada kubadda cagta ee ragga iyo dumarka kadib guushii garoonka Australia, Sydney maalintii shalay ee Axadda.

Carmona, oo 23 jir ah, ayaa goor sii horeysay u dabaal dagtay goolka iyadoo daaha ka qaaday fariin ay funaanadeeda hoose ku qortay oo ay ku qoran tahay “Merchi”, taasoo ay ku sheegtay inay xushmad u tahay saaxiibkeed oo hooyadii dhimatay, laakiin maysan ogeyn in aabaheed uu saaran yahay sariirti geerida.

Horseed media