Guddiga amniga ee Gobolka Bari oo ka hadlay falkii lagu gubey xarunta Shirkadda ganacsiga ee Al-macruuf

Published: April 13, 2023

Shirka amniga Gobolka Bari oo Todobaadkan looga hadlay howlgadii amni ugu dambeeyay ee laga sameeyay Gobolka Bari ayaa maanta lagu qabtay xarunta xarunta gobolka ee magaalada Bosaso.

Shirka waxaa ka qayb galay Gudoomiyaha gobolka Bari, Gudoomiye Ku xigeenka Gobolka, Duqa degmada Bosaso, Taliyeyaasha ciidanka Booliska, Daraawiishta iyo nabadsugida, Wasiir ku xigeenka arimaha gudaha iyo saraakiil kale.

Shirkan ayaa si gaar ah waxaa looga hadlay falkii 5tii bishan April lagu gubey xarunta Shirkadda ganacsiga Al-macruuf ee magaalada Bosaso.

Guddiga amniga ee Gobolka Bari ayaa sheegay in Hay’adaha Amniga ay aqoonsadeen ciddii lahayd fikradda falkii argagixiso ee ka dhacay Shirkadda Al-macruuf, iyadoo tilmaamay in wax looga qaban doonaa sida ugu dhaqsaha badan.

Guddiga ma cadeyn cidda ay u aqoonsadeen inay falkaasi ka dambeysay balse waxaa loo badinayaa inay yihiin Ururada Daacish ama Al-shabaab.

Sidoo kale, Guddiga Amniga waxa uu faray shirkadaha ganacsiga in ay wax ka bedelaan habka sugidda amnigooda sida ilaalada xarumaha ganacsiga, Kaamirooyinka qarsoon(CCTV) iyo dab-damiska.

Ugu dambeyn Guddiga ayaa Shirkadaha isgaarsiinta uga digey in ay muwaadiniinta u furaan lambaro iyo akoono aan waafaqsanayn habka u degsan ganacsiga.

Horseed Media