Guddiga Doorashada Golaha Shacabka oo kala qeybsamay

Published: April 27, 2022

Guddoomiyaha Guddiga Doorashada Golaha Shacabka Xildhibaan Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa iska fogeeyay war ay faafiyeen xubno ka mid ah Guddigiisa.

Xubnahana oo afar ahaa ayaa saxaafadda u sheegay go’aan ah in Guddiga Doorashada Golaha Shacabka uu isla qaatay in Doorashada Berri ee Guddoonka aanay ka qeyb gelin labada dhinac xildhibaanna lagu soo kala doortay Ceelwaaq iyo Garbahaarey.

Guddoomiyaha Guddiga ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay inuusan waxba kala socon, waxna ka ogeyn shirka jaraa’id oo ay qabteen xubno ka mida Guddiga, isagoo xubnahaasi ku eedeeyay inay khadleen shacabka oo wax aan shaqadooda ahayn ay galeen.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashada ayaa caddeeyay in shaqada Guddiga aysan ahayn cidda Doorashda laga reebayo oo ay tahay shaqada Guddoonka KMG ah iyo Xogheynta baarlamaanka.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *