Guddiga doorashada Koonfur Galbeed oo soo saaray Jadwalka doorashada lix Kursi

Published: March 5, 2022

Guddiga doorashada heer dowlad goboleed ee Koonfur Galbeed Soomaaliya, ayaa soo saaray jadwalka doorashada Lix kursi oo ka mid ah kuraasta golaha shacabka ee deegaan doorashadoodu tahay magaalada Baydhaba ee gobolka Bay.

Sida lagu shaaciyey jadwalka guddiga doorashada lixdaas kursi ayaa la qorsheeyey inay Baydhaba ka dhacdo inta u dhaxeysa 5-ta bishaan oo maanta ah ilaa 9-ka Bishan Maarso.

Waxaa hadda heer gabagabo ah mareysa doorashada kuraasta golaha shacabka ee taalla magaalada Baydhaba oo ah deegan doorashada koowaad ee Dowlad gobaleedka Koonfur Galbeed, waxaana horay loo soo gabagabeeyey doorashada kuraastii taallay magaalada Baraawe ee gobolka Shabeellada Hoose.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *