Guddiga doorashooyinka heer Federaal oo burbur qarka u saaran.

Published: April 1, 2022
Muuse Geele faroole

Iyda oo soo xulidda Xildhibaanada federaalku marayso heer dhamaad ah, isla markaana la rajeynaayey in doorshadu dhawaan qabsoonto ayaa waxaa soo baxay khilaaf kale oo weyn oo ragaadin kara doorashada.

Raysalwasaare Rooble ayaa maalmihii la soo dhaafey wadey kulan uu isugu keenayo guddiga FIET iyo xoghayahaasha labada Aqal, waxaana u dalbadey in sida uu rabo liiska loo siidaayo oo laga reebo Afar kursi oo uu ku jiro kan uu ku soo baxay la taliyaha Amniga Qaranka Fahad Yaasiin Daaiir.

Khamiistii ayaa guddigu sii daayeen liiska hordhaca ah oo gaaraya 299 Xildhibaan waxaana ay ka reebeen 4 Xildhibaan, kadib shaacinta waxaa sharci darro ku tilmaamey Xogahayaha Guddiga FIET, waxaana uu soo sarey qoraal dheer.

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka dadban ee heer federaal Muuse Geele Faroole ayaa xilkii ka qaadey Xoghaynta Guddiga Cabdikariin Xiirane.

Inta badan Xubnaha Guddiga Doorashada oo ka kooban 25 xubnood ayaa shaqo joojin ku sameeyey guddoomiyihii Guddiga doorashooyinka Muuse Geele Faroole.

Muuse Geele Faroole oo taageero kahaysta xafiiska raysalwasaaraha ayaa gacanta ku haya ilaha warfaafineed ee guddiga, iyo warbaahinta Dowladda, halka guddiga intiisa badan ay isticmaalayaan Warbaahinta gaarka ah oo ay ku faafiyeen shirkoodi ay shaqada uga joojiyeen.

Haddaba waxaa la is weydiinayaa waxa arrimahaani u dhimi karaan doorashooyinka, waxaa dadka ka faalooda arriamahn sheegayaan in raysalwasaare Rooble oo dab ku ciyaarayo ficilada caynkan ah oo kalena ay dalka oo dhan khatar gelin karaan, maadaama la wada og yahay qaabka Xildhibaanadu ku soo baxeen, maadaama guddiga xalinta khilaafaadku aysan haysan afarta Xildhibaan, sidoo kale Guddiyada SIET ee heer Dowlad goboleed ay soo gudbiyeen.

Si kastaba raysalwasaare Rooble ayaa arrimahan uga faa’ideysanaya kiis uu sheegay in uu god la gelaayo, waana wax ka baxsan arrimaha doorashada iyo habraaceeda.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *