Guddiga Doorashooyinka Puntland oo xisbiga Mideeye guddoonsiiyey shahaadada xisbinimo

Published: June 29, 2024

Guddoomiye kuxigeenka Guddiga Doorashooyinka Puntland ahna sii hayaha Guddoomiyaha Axmed Maxamuud Cumar, ayaa xarunta kusoo dhaweeyay Guddoomiyaha Xisbiga ๐Œ๐ข๐๐ž๐ž๐ฒ๐ž Mudane Daahir Xaaji Khaliif, Guddoomiye kuxigeenka Xisbiga Cabdallah Sheekh Axmed iyo Xoghaya Xisbiga, Abshir Cumar Huruuse.

Guddiga PEC ayaa Guddoomiyaha Xisbiga Guddoonsiiyay Shahaadada Xisbiga ๐Œ๐ข๐๐ž๐ž๐ฒ๐ž oo ka mid ah 8-da Xisbi ee dowladda Puntland.

Guddoonka iyo Xoghaya Xisbiga ayaa Guddiga uga mahadceliyay shaqada quruxda badan ee hayaan oo u horeyso diyaarinta Doorashada saddexda degmo, iyagoo sheegay in Xisbigoodu siweyn ugu diyaargaroobeen doorashada golaha degaanka Degmooyinka Garowe, Dangorayo iyo Godobjiraan.

Horseed Media