Guddiga Hirgelinta Doorashada Heer Federaal oo bayaan ka soo saaray Doorashooyinka Dalka

Published: January 28, 2021

Guddiga Hirgelinta Doorashada Heer Federaal oo ka duulaya heshiiskii Golaha Wadatashiga Qaran ee dhacay 17 Seebteembar 2020 oo ay si wadajir ah u meel mariyeen labada Aqal ee Baarlamaanka 1dii Oktoobar 2020. Heshiiskaas oo nuxurkiisu ahaa habka iyo qabsoomidda doorasho ka dhacda wadanka iyo dhismaha guddiyo doorasho.

Guddigu isagoo ka amba qaadaya heshiiskaas tan iyo waqtigii la magacaabay waxaa u qabsoomay hawlo muhiim u ah, sida doorashada hoggaanka guddiga iyo guddi-hoosaadyadiisa, tababaridda iyo maamul u sameynta guddiyada heer Dowlad Goboleed, diyaarinta habraacyada doorashada, kulamo kala duwan oo guddigu la yeeshay qaybaha bulshada Soomaaliyeed iyo wakiillada beesha caalamka.

Guddiga madaxa bannaan ee Hirgelinta Doorashadu wuxuu markasta xeerinayaa wadajirka iyo heshiis dhex mara hoggaanka siyaasadeed ee dalka heerarkiisa kala duwan, iyadoo uu soo dhaweynayo dadaal kasta oo lagu xallinayo arrimaha taagan ee la xiriira doorashada.

Haddaba iyadoo waddanku uu ku jiro xaalad doorasho, ayna sarrayso diyaar garowga loogu jiro doorashada, guddigu wuxuu soo jeedinayaa iney lagama maarmaan tahay in ay ka dhacdo dalka doorasho, si degdeg ahna loo xalliyo isfaham darrada soo jiitantey ee hakisay in doorashadu ku bilaabato waqtigii loogu tala galay.

Guddiga wuxuu xasuusinayaa in mas’uuliyadda fududaynta qabsoomidda doorashadu si wadajir ah u saaran tahay hoggaanka Golaha Wadatashiga Qaran, si guddigu howlihii loo igmaday u guto.

Guddigu, wuxuu ugu baaqayaa murashaxiinta danaynaya in ay u tartamaan xilalka siyaasadeed ee dalka in markasta ay ololahooda ku saleeyaan bed qabka, xasiloonida dalka iyo u turista shacabka Soomaaliyeed, taas oo ah hab dhaqanka wanaagsan ee muwaadinka, waafaqsanna xeerka anshaxa doorashada.

Guddigu, wuxuu bogaadinayaa dadaalladii ugu dambeeyey ee madaxda Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada, duubabka dhaqanka, bulshada rayidka iyo beesha caalamka ay xalka ugu raadinayaan sidii la isugu fahmi lahaa qabsoomidda doorashada lagu heshiiyey.

Ugu dambayn, guddigu wuxuu ku wargelinayaa dhammaan dhinacyada siyaasadda in uu guddigu diyaariyey habraacyadii doorashada ee loo baahnaa, una diyaarsanyahay qabashada doorasho xor iyo xalaal ah oo ka dhacda dalka, waafaqsanna heshiiskii siyaasadeed ee ka soo baxay Golaha Wadatashiga Qaran  17kii Sebteembar 2020.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

1 Comment

  1. Maxaa Somalia Ka khaldan?
    Ilaa maalintii Xamar la qabsaday Somalia kama Nixon, Dil, is qabqabsi, dhul boob, toogo, qabiil, Cadaw dalkii Somalia Ku yeesha Fara galin joogtaa, dad madax isku sheegaya 24saacadoo u taagan inay qalalaaso qabiil iyo xasilooni qabiil ay suubiyaan.
    Somalia waxaa maata haysata jaah
    Wareer madax qabiil , Fara galin Cadaw, iyo isbahaysi boob Ku dhisan.
    Dadkii Xamar shalay qabsaday po si kasta u qabsaday iyo dad dantooda u adeega ,ayaa Somalia
    Cudur Ku noqday po jilbaha dhulka u dhigay.
    Kenya iyo Ethiopia was cadawga Somalia.
    Ethiopia iyo Ereteria was Cadaw xun po dhuulaan Ku ahaa dhulka Somalia bad iyo Biri, waana khatar taagan.
    Waxa mucaaradka la leeyahay iyo inta kale waa dad qabiil iyo dano Cadaw u adeega.
    Qaarkook Cadaw ayey wax u dhaama waayeen oo amni bidden,
    Waayo khatar qabiil ayaa lagaliyey
    Dadka madaxda raadinaya Somalia
    Waa Maxkamada Greg dadkeeda.
    Sidee Somalia Bad iyo Biri Cadaw looga , oo Jaah wareerka Cudurka Qabiilka looga daweeyaa.
    Ka fakar adoon baqin oo Cadaw Ku baqsan inaysan Somalia noqon oo loo dilin sidii Tegray!