Guddiga ka socday Golaha Wakiillada PL oo kormeeray Garoonka Diyaaradaha ee Boosaaso 

Published: June 1, 2022

Guddiga Hawlaha Guud, Gaadiidka, Ganacsiga & Kaabayaasha Dhaqaalaha ee Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Puntland, ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Boosaaso, si ay ugu kuur-galaan shaqada garoonka iyo balaarintiisa oo wakhtigan meel wanaagsan maraysa.

Guddiga ayaa ugu horeyn kulan la qaatay Maareeyaha garoonka diyaaradaha iyo saraakiisha kale, iyagoo ka dhagaystay warbixin ku saabsan  shaqada garoonka ee caadiga ah iyo weliba howlaha lagu casriyeynayo Garoonka.

Sidoo kale Guddiga ayaa kormeeray qaybaha kala duwan ee balaarinta lagu wado ee garoonka diyaaradaha Boosaaso.

Ugu dambeyn Guddiga ayaa su’aalo ka weydiiyey Maareeyaha garoonka shaqada socota iyo wakhtiga lasoo gaba-gabeyn karo.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *