Guddiga KMG ee Doorashooyinka Puntland (TPEC) oo hor tegay Golaha Wakiillada Puntland

Published: July 13, 2022
Golaha Wakiillada Dawlad Goboleedka Puntland

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawlad Goboleedka Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, ayaa Shir-Guddoomiyey fadhiga 19-aad, Kalfadhiga 50-aad ee Golaha Wakiillada Puntland.

Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland ( TPEC)

Fadhiga maanta ayaa waxaa hor-yimi Guddoomiyaha KMG ah ee Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland ( TPEC) Cabdirisaaq Axmed Saciid oo ay wehliyaan xubno ka tirsan Guddiga, iyo Xoghayaha Guud ee TPEC Marwo Ubax Cabdullaahi Abshir.

Guddoomiyaha KMG ee TPEC ayaa Golaha uga warbixiyey shaqada ay u xil saaran yihiin ee Dastuuriga ah, qorsheyaasha iyo caqabadaha jira.

Intaa kadib, Xildhibaannada ayaa Guddoomiyaha KMG ah TPEC wax ka weydiiyey arrimaha Doorashooyinka Puntland.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *