Guddigii Doorashooyinka dadban oo la kala diray

Published: April 21, 2021

Guddigii Doorashooyinka dadban ee heer federaal iyo heer Dowlad goboleed ee muranku ka taagnaa ayaa la kala direy.

Habeenkii xalay waxaa anfur u sameeyey guddiga raysalwasaare kuxigeenka xukuumada xil-gaarsiineed Mahdi Guuleed, waxaana uu sheegay in uu uga mahad-celinaayo shaqadii ay soo qabteen mudadii lixda bilood ahayd.

Guddigan ayaa ka koobnaa saddex Dowlad goboleed iyo kii hreer federaal waxaa sidoo kale ku jirey guddiga xalinta khilaaafaadka, guddigan kama mid ahayn Puntland iyo Jubaland.

Guddigan oo ahaa kuwo lagu muran san yahay ayaa waxaa kamid aha xubno ka mid ah sirdoonka NISA iyo wiilal caan ku ahaa dacaayadaha baraha bulshada loogu faafiyo Farmaajo.

Guddigan ayaa shaqadooda iska watey waxaana ku baxay dhaqaale, waxay sameeyeen habraacyo iyo xer hoosaadyo ay filayeen in doorashada lagu maareyn doono.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *