Guddoomiyaha Aqalka Sare Oo Gaaray Samareeb

Published: August 27, 2020

Guddoomiyha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdillaahi iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Samareeb ee caasimada dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug.

Waxaa garoonka diyaaradaha ee Samareeb kusoo dhoweeyey guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug Dr. Maxamed Axmed Gacal, Xildhibaano iyo masuuliyiin kale.

Ujeedka safarka guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa ahaa ka qeybgalka furitaanka Kalfadhiga labaad ee golaha wakiilada Galmudug.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *