Guddoomiyaha Aqalka Sare oo madaxa Hay’adda IOM kala hadlay kor u qaadista taageerada shacabka Soomaaliyeed

Published: April 9, 2023
Shares2

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Socdaalka Adduunka (IOM Somalia) Farantz Celestin.

Guddoomiyaha iyo madaxa IOM Soomaaliya ayaa ka wada hadlay arrimo muhiim ah oo ku saabsan hawlaha hay’addu ka wado Soomaaliya iyo kor u qaadista taageerada ay siiso shacabka Soomaaliyeed.

Waxay si gaar ah uga wada hadleen wada-shaqaynta Aqalka Sare iyo in guud ahaan mashaariicda horumarineed ee ay ka taageeraan Soomaaliya lagu saleeyo arrimaha mudnaanta u leh hay’adaha dowladda.

Kulanka labada masuul waxaa goobjoog ka ahaa Xoghaya Guud ee Aqalka Sare, Cabdinaasir Ibraahim Guuleed.

Horseed Media