Guddoomiyaha Aqalka Sare oo Magacaabay Guddi Isu Keena Dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada

Published: June 12, 2020

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Barlamaanka Federaalka Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa galabta magacaabay guddi ka kooban 9 Xubnood oo ka shaqayn doonaa isu keenista Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada iyo qabsoomida shirka Wadatashiga.

Guddiga oo uu hoggaaminayo guddoomiyaha aqalka Sare, islamarkaana ay xubno ka yihiin 8 xubnood oo ka tirsan xildhibaanada Aqalka sare ayaa shaqadoodu noqon doontaa isu keenida madaxda dowladda federaalka iyo Maamul goboleedyada iyo qabsoomida shirka looga tashan doono doorashada barlamaanka iyo madaxtinimada ee dowladda federaalka ee 2020/20201a.

Xubnaha guddiga waxaaa ka mid ah madaxweynihii hore ee Puntland Xildhibaan Cabdiraxmaan Faroole iyo Xildhibaan Cabdirisaaq Juurile,

  1. Sen Cabdi Xaashi Cabdullaahi ( Guddoomiyaha Aqalka sare)
  2. Sen C/risaaq Cismaan Xasan ( Juurile)
  3. Sen Cabdi Axmed Dhuxulow
  4. Sen Muxiyadiin Sheekh Cali Jaamac
  5. Sen C/raxmaan Maxamed Maxamuud ” Faroole”
  6. Sen Xuseen Sheekh Maxamuud
  7. Sen C/laahi Sheekh ismaaciil “Farataag”
  8. Sen Cismaan Maxamuud Maxamed “Dufle”
  9. Sen Cabdullaahi Cabdi Garuun

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *