Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo la kulmay Xildhibaannada Labada Aqal -Sawiro

Published: January 20, 2017

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” iyo Guddoomiye ku xigeenka koobaad ee Golaha Shacabka Mudane C

abdiweli Sheekh Ibraahin Muudeey ayaa ka qeybgalay casho sharaf ay Guddoonka Golaha Shacabka u sameeyeen Xildhibaannada labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Munaasabadda casho sharafta ah oo ka dhacday xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho waxaa kasoo qeybgalay inta badan Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo la isku yiraahdo labada aqal ee kala ah Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ,wasiirro, howlwadeennada Baarlamaanka, fanaaniin iyo marti sharaf kale.

Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa munaasabadda ka jeediyey khudbado ku aadan xaaladda uu Baarlamaankan ku shaqo bilaabay iyo shaqooyinka ay ka dhowrayaan umadda Soomaaliyeed waxaana khudbadaha ay ka turjumayeen khibradda Xildhibaannada Baarlamaanka mudada fog kusoo jiray iyo Xildhibaannada Golaha ku cusub ee u badan dhalinyarada kuwaasi oo helay fursad ay dalkooda ugu adeegi karaan.

Xafladdaintii ay socotay waxaa suugaan wadani ah oo u badan guubaabo kusoo bandhigay fanaaniinta kooxda deegaan oo ka tirsan Wasaaradda Kalluumeeysiga ayadoo ay cashadan noqoneyso munaasabaddii ugu horeysay ee Guddoonka la doortay ay u sameeyaan Xildhibaannada doortay.

Horseed Mdia 2017.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *