Guddoomiyaha Banaadir iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Dhuusamareeb

Published: October 1, 2023

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen jimcaale (Madaale) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug halkaas ay si balaaran ugu soo dhaweeyeen Madaxda iyo shacabka reer Galmudug.

Guddoomiye Madaale ayaa Magaalada Dhuusamareeb kulan kula qaadan doonno Madaxweynaha JFS Mudane Xassan Sheikh Maxamud kaas oo la xariira dardargalinta howlgalada silsilada ah ee lagu ciribtirayo Khawaarijta iyo sida uu maamulka Gobolka Banaadir iyo shacabka reer Muqdisho ay  garab taagan yihiin geesiyaasha Ciidamada Qaranka.