Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir oo xilka la wareegay -SAWIRO

Published: January 30, 2018

Guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) ayaa xaflad si heer sare loo agaasimay oo ka dhacday xarunta gobolka Banaadir si rasmiya xilka ugala wareegay guddoomiyihii hore Taabid Cabdi Maxamed. Xafladda xil wareejinta oo ay ka soo qaybgaleen madax sare oo uu ka mid yahay Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Baarlamaanka JFS, Wasiirro, Xildhibaanno,Madaxweynaha Maamulka HirShabelle, Saraakiil, Siyaasiyiin, Diblumaasiyiin iyo qaybaha bulshada ee kala duwan ayaa ku qabsoomtay jawi wanaagsan.

Ugu horrayn waxaa munaasibadda hadal ka jeediyey guddoomiyihii hore Taabid Cabdi Maxamed, waxana uu tilmaamay sida uu ugu faraxsan yahay inuu si nabad iyo dimuquraadi ah ugu wareejiyo xilka guddoomiyaha cusub, isagoo xusay waxqabadkii uu soo qabtay mudadii uu shaqeynayay, waxana uu guddoomiyaha cusub u rajeeyey inuu halkaa kasii wado shaqada iyo horumarka.

Guddoomiyaha Cusub ee gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) oo khudbad goobta ka jeediyey ayaa u mahadceliyey madaxda qaranka, maamulkii ka horreeyey iyo bulsha weynta gobolka Banaadir, isagoo sheegay inuu wax dadaal ah la hari doonin si wax badan ugu qabto dadka degan Banaadir iyo inuu gobolka horumariyo.

“Waxaan shacabka ku nool caasimadda Muqdisho u ballanqaadayaa inaan u qabto waxa ay iga wada rajaynayaan oo ah ka shaqaynta nabadda, caddaaladda, shaqo abuurka iyo ilaalinta ammaanada, si loo gaarsiiyo adeegyo bulsho guud ahaan dadka degan Caasimadda”.Ayuu raaciyey.

“Waxaan u caddaynayaa bulshada degan Muqdisho inaan ugu shaqeyn doono si daacadnimo oo hufan, diyaar baan u ahay inaan idin kala shaqeeyo horumarinta gobolka Benaadir. Kobcinta dhaqaalaha, maalgashiga iyo bilicda caasimaddu waxay ii leeyihiin mudnaan gaar ah”. Ayuu yiri Guddoomiye Eng. Yarisow.

Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Baarlamaanka F. Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudeey ayaa u mahadceliyey maamulkii hore ee xilka wareejiyey. Waxuna soo dhaweeyey maamulka cusub, isagoo u rajeeyey in ay ku guuleystaan shaqada culus ee hortaalla.

Ugu danbeyn, waxaa xilalka la kala wareegay guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir iyo guddoomiyihii hore, sidoo kale waxaa xilalka la kala wareegay guddoomiye ku-xigeenada maamulka iyo Xoghayaha guud ee gobolka Benaadir oo dhammaantood mahadcelin iyo boggaadin u jeediyey madaxdii ay xilalka kala wareegeen.

Faafin Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *