Guddoomiyaha gobolka Hiiraan oo go’aanno culus kasoo saaray dhigashada isbaarooyinka

Published: December 3, 2022

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa go’aanno culus kasoo saaray dhigashada isbaarooyinka lagu dhibaateeyo dadka shacabka u kala safraya gobolada dalka.

Guddoomiye Cali Jeyte ayaa wacad ku maray in talaabo adag uu ka qaadi doono cidii la arko iyadoo isbaaro u taala ama dhiganeysa.

“Islaanimadeyda ayaa gaasir ah oo nin muslim ah ma ihi hadii aan aqbalo in Isbaaro la dhigto, War burcadow, kuwa jidka galayow ilmo adeer yaalow na kala bad-baadiya soo gala ciidamada iyo dagaalka socdo” ayuu yiri guddoomiye Cali Jayte Cismaan.

Sidoo kale Guddoomiye Jeyte ayaa sheegay inuu mudo lix bilood ah la dagaalamayo Shabaab, islamarkaana uusan aqbali karin in dad safar ah lagu dhibaateeyo wadooyinka.

Wuxuuna ugu baaqay kooxaha dhigta isbaarooyinka iney kusoo biiraan ciidamada, islamarkaana ay ka qeyb galaan dagaalada ka dhanka ah Al-shabaab ee ka socda gobolka Hiiraan.

Horseed Media