Guddoomiyaha Golaha Shacabka Aadan Madoobe oo lagu soo dhaweeyey magaalada Xudur

Published: December 12, 2022

Ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta lagu soo dhaweeyey magaalada Xudur ee Xarunta Gobolka Bokool.

Ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa waxaa garoonka ku soo dhaweeyay maamulka gobolka Bokool, kan degmada iyo dadweyne aad u tira badan.

Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda maamulka gobolka iyo Guddoomiyaha degmada oo Guddoomiyaha uga warbixiyay xaalada gobolka iyo guud ahaan deegannada ku xeeran.

Masuuliyiinta ayaa sheegay in gobolkan uu muddo go’doonsan yahay islamarkaana dadka degaanka aysan helin nolol ku filan iyo Al-shabaab oo cadaadis ku heysta dadka.

Ku-simaha Madaxweynaha ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS ayaa maamulka iyo shacabka magaalada Xudur ku ammaanay sida dadka deegaanka ay u diideen inay wax ku darsadaan Al-shabaab, isagoo xusay in ay hada diyaar u yihiin iska xorreynta kooxdan.

Horseed Media