Ku-simaha Madaxweynaha JFS ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa hoygiisa ku qaabilay Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeeyte Cismaan oo howlo shaqo u jooga magalada Muqdisho ee caasimadda dalka.
Guddoomiye Cali Jeyte ayaa Ku-simaha Madaxweynaha ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ugu warbixiyay xaalada gobolka Hiiraan iyo dagaalaada dalka loogu xorreynaayo kooxda Al-shabaab.
Gudoomiye Aadan Madoobe ayaa boggaadiyay Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan iyo mas’uuliyiinta ku sugan jiida hore ee dagaalka.
Sidoo kale waxa uu ammaanay Ciidanka xoogga dalka ee ku howlan sidii guud ahaan dalka looga xorreyn lahaa kooxda Al Shabaab, isagoona kula dardaarmay in la xoojiyo loona midoobo dagaalka.
Horseed Media