Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay Kuxigeenka Wakiilka QM 

Published: May 2, 2022

Guddoomiyaha Golaha Shacabka  Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa hoygiisa kulan kula qaatay ku-xigeenka wakiilka Xoghayaha Guud ee (QM) ee Soomaaliya marwo Anita Kiki Gbeho.

Kulankaan dhexmaray Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe iyo Anita Kiki Gbeho ayaa waxaa uu ahaa mid isugu jiray Hambalyo iyo is xog-wareysi  ku aadan xaaladda dalka.

Anita Kiki Gbeho ayaa Guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka la wadaagtay dhambaal casuummaad ah oo ay ka sidday Wakiilada Beesha Caalamka ee C6+.

Sidoo kale Anita Kiki ayaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka ugu hambalyaysay xilka loo doortay Guddoonka Baarlamaanka 11-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *