Guddoomiyaha Guddiga Amniga Doorashooyinka Qaranka oo gaaray Baydhabo

Published: March 14, 2022

Wefdi Saraakiil sare ah oo uu hogggaminayo taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed oo ah Guddoomiyaha Guddiga Amniga Doorashooyinka Qaranka General Cabdi Xasan Maxamed {Xijaar} ayaa maanta Gaaray Magalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay,halkaas oo si weyn loogu soo dhoweeyay.

Magaalada Baydhabo ayaa lagu wadaa in maalinta barri ah lagu soo geba gabeeyo doorashada kuraasta ugu dambeysay ee xildhibaanada deegaan doorashadoodu tahay Koofur galbeed.

Doorashada golaha shacabaka Soomaaliya ayaa maraysa heer gabagaba ah , iyadoo inta yare ee ka harsan Baarlamaanka 11aad la filaayo inow soo idlaato dhawaan.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *