Guddoomiyaha Hay’adda SODMA oo qaabilay Madaxa UNHCR ee Soomaaliya

Published: May 12, 2024

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa maanta xarunta dhexe ee Hay’adda SoDMA ku qaabilay Madaxa hay’adda qaxootiga adduunka – UNHCR ee Sooomaaliya Md. Charles Mballa.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray majaalaadka ay ka wada shaqeeyn karaan hay’adda SoDMA iyo UNHCR iyada oo si gaar ah loo xusay arrimaha muhiim oo ay ka mid yihiin; ka shaqeeysiinta iyo howlgalinta xarunta tababarada farsamada gacanta ee hay’adda SoDMA, ka jawaabista xaaladaha degdegga ah ee soo wajaha dadka barakacayaasha ah ( IDPs) sida u helidda hoy iyo gargaar bani’aadannimo oo degdeg ah iyo caawinta dadka u nugul musiibooyinka inta aysan soo barakicin si loo yareeyo dadka xeryaha barakacaasha ku jira.

Md. Charles Mballa ayaa boogaadiyay guulaha muuqda ay gaartay SoDMA muddada gaabneed ay jirtay iyo dardargalinta howlaha socda, labada dhinac ayaana isku waafaqay dhisidda guddi farsmo oo ka shaqeeya hormarinta iyo nidaamka labbada hay’addod.

Horseed Media