Guddoomiyihii xisbiga UCID ee Sool oo lagu dilay magaalada Laascaanood

Published: June 21, 2022

Alle ha u naxariistee Maxamed Axmed Faarax oo ahaa guddoomiyihii Xisbiga UCID ee gobolka Sool ayaa xaley fiidkii lagu dilay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Masuuliyiinta gobolka Sool ayaa xaqiijiyey in marxuumka la dilay xilli uu sii gelayey guriga uu ka deggan yahay magaalada Laascaanood, iyaga oo sheegay inay haatan bilaabeen baadhitaan ku aaddan dilka guddoomiyaha Xisbiga UCID ee gobolka Sool.

Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe iyo xubnaha guddida fulinta ee xisbigaas ayaa tacsi u diray ehelada iyo qaraabada uu ka geeriyooday Marxuum Maxamed Axmed Faarax oo ahaa guddoomiyihii xisbiga UCID ee gobolka Sool.

Marxuumka la dilay ayaa hore u soo noqday xubin ka tirsan golaha deegaanka ee degmada Laascaanood.

Magaalada Laascaanood ayay marar kala duwan ka dhaceen dilal qorshaysan kuwaas oo lagu bartilmaameedsaday shakhsiyaad kala duwan.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *