Guddoonka labada Aqal ee BJFS oo kulan yeeshay 

Published: May 1, 2022

 Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur(Madoobe) ayaa maanta hoygiisa ku soo dhoweeyey Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdullahi.

Kulanka labada mas’uul ayaa looga hadlay kal-fadhiga Baarlamaanka ee loo balansan-yahay May 04,2022 in uu noqon doono mid wadajir ah, waxaana looga hadli doonaa arrimaha doorashada madaxweynaha dalka.

Sidoo kale, waxaa kulankaasi lagu soo qaadi doonaa miisaaniyadda dowladda ee sanadkan 2022-ka.

Kulanka Gudoomiyayaasha labada Aqal ee BJFS ayaa noqonaya kii ugu horeeyey ee ay yeeshaan tan iyo marki xilalka loo doortay.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *