Gudoomaye Aadan Madoobe & Madaxweyne Axmed Madoobe oo kulan ku yeeshay Muqdisho 

Published: September 15, 2022
Shares26

Ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madobe ayaa maanta hoygiisa kulan kula yeeshay Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe.

Kulanka labada masuul ayaa looga hadlay gurmadka abaaraha iyo dagaalka ka dhanka ah kooxda Al Shabaab.

Sidoo kale Kulanka waxaa diirada lagu saaray xaalada guud ee dalka gaar ahaan abaaraha ku dhuftay qeybo ka mid ah gobolada Dalka, waxaa uu Madaxweyne Axmed Madoobe warbixin ka siiyey Guddoomiyaha Golaha Shacabka sidii Dalka loogu xorreyn lahaa Kooxaha Al-shabaab iyo Daacish ee dhibaatada ba’an ku haya Ummadda Soomaaliyeed.

Horseed Media 

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *