Gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya oo la kulmay xildhibaanada dhalinyarada ah ee ku jira golaha shacabka

Published: March 6, 2017

Mudane Maxamad Sheekh Cismaan Jawaari guddoomiyaha baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya ayaa kulan la qaatay qaar ka mid ah xildhibaanada dhalinyarada ah ee ku jira baarlamaanka.

Waxaa kulanka looga hadlay hagidda mustaqbalka dalka iyo sidii dhalinyarada kaalintooda uga qaadan karaan hormarka iyo nabadda dalka.

Mudane Jawaari ayaa dhalinyarada ku jira golaha shacabka kula dar-daarmay in ay ka shaqeeyaan danta dalka iyo dadka, isla markaana u sheegay dhalinyarada in ay yihiin madaxda dalka hoggaamin doona.

…Dar-daarankeyga wuxuu yahay in aad iska ilowdaan qabiil, waxaad meteshaan dhalinyarada sideen uga shaqeynaa in aad dalkan u diyaarino dhalinyarada si ay u hogaamiyaan ayuu yiri gudoomiyaha golaha shacabka Mudane Maxamad Sheekh Cismaan Jawaari

Ugu dambeen gudoomiyaha golaha shacabka Mudane Maxamad Sheekh Cismaan Jawaari ayaa dhalinyarada u sheegay in ay mas`uul ka yihiin dhalinyarada badaha ku dhammaanaya, kuwa qoryaha sita, kuwa aan waxbarashada heysan, isla markaana loo baahan yahay in loo raadiyo xaqa ka maqan dhalinyarada aad meteshaan.

Horseed Media 2017

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *