Gudoomiyaha cusub ee Golaha shacabka oo xilka kala wareegay Gudoomiyihii hore

Published: April 30, 2022

Guddomiyaha Golaha Shacabka Baarlamanka 11-aad Sheekh Aadan Maxamed Nuur Sheekh Aadan Madoobe ayaa maanta kulankiisa ugu horeeyey shir guddomiyey Golaha.

Gudoomiye Aadan Madoobe ayaa isla Maanta waxa uu xilka kala wareegay Guddomiyihii hore Baarlamankii 10-aad Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxman 

Sidoo kale, kulanka waxa goob ka ahaa Guddomiye ku xigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka BJFS Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar Iyo Guddomiye ku xigeenka 2-aad ee Golaha Shacabka BJFS Mudane Cabdullahi Cumar ABshirow

Dhanka kale Guddomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur Sheekh Aadan Madoobe ayaa sheegay in Baarlamanka uu fasax kooban galayo maadama ay nagu soo wajahan tahay maalmaha ciidul-fidriga iyadoo dib la iskugu soo laaban doono afarta bisha ee soo socota.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *