![](https://horseedmedia.net/wp-content/uploads/2022/05/image-75-1080x720.png)
Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta kormeer indha-indheyn ah ku tagay teendhada Afasiyooni oo ay ka socoto qaban qaabada doorashada madaxweynaha.
![](https://horseedmedia.net/wp-content/uploads/2022/05/image-76-1200x720.png)
Guddoomiyaha ayaa gudaha teendhada Afasiyooni kulan kula qaatay saraakiisha ciidanka nabad ilaalinta ATMIS iyo kuwa amniga ee Soomaaliya.
![](https://horseedmedia.net/wp-content/uploads/2022/05/image-77-1080x720.png)
Saraakiisha ayaa la faray in ay muujiyaan feejignaan dheeri ah si ay u qabsoonto doorashada madaxweynaha.
![](https://horseedmedia.net/wp-content/uploads/2022/05/image-78-1164x720.png)
Ugu dambeyn Guddoomiyaha ayaa mid mid u dul istaagay goobaha loogu tala galay in ciidamada ammaanka ay ku shaqeeyaan.
Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa amray in dadka aan lagu xadgudbin lana faray in waajibaadkooda ay u gutaan si hagar la’aan ah.
Doorashada Madaxweynaha ayaa loo ballansan yahay 15-ka bishaan in lagu qabto Teendhada Afisyooni, iyadoo Guddiga doorashooyinka ay soo saareen habraaca amniga doorashada madaxweynaha.